Sunday, August 16, 2015

XIGASHO

Goodax “Tanaasul haduu imaanayo Madaxweynaha ayaa tanaasul sameynaya, waa in dalka duruuftiisa uu fiiriyo”


Agosto 16 (Jowhar)— Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in mooshinka Madaxweynaha laga keenay xalkiisa uu noqon doono Baarlamaanka, isagoo xusay in dhowaan loo fariisan doonin meesha la geyn doono.

Xildhibaan Goodax ayaa sheegay in sharci yaqaano ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha ay la fariisanayaan Guddoonka Baarlamaanka, ayna isla eegi doonaan qodobada lagu soo eedeeyay Madaxweynaha in Maxkamad lala aadi doono iyo in kale, iyadoo aanay xilligan jirin Maxkamad dastuuri ah.
“Haddii Maxkmad la isku raacay waa mid, hadii Baarlamaanka loo soo laabto waa mid, waayo Shaqada Baarlamaanka waa ka duwan tahay kuwa Maxkamadaha, Xildhibaanada waa siyaasiyiyiin”ayuu yiri Xildhibaan Goodax oo wax laga weydiiyay meesha ugu dambeysa ee mooshinka lala aadi doono.
Xildhibaan Goodax oo la hadlayay Telefishinka Universal ayaa yiri “In muddo ah waxaa uu Baarlamaanka ku mashquulsanaa in Madaxweynaha uu saxo oo aan u tilmaamo mas’uuliyada weyn ee saaran inta ay baaxadeyda dhan tahay, markii ay quus gaartayna Madaxweynaha in la gooyo in xilka laga qaado haduu meelaha qaar dambi galay maxkamad lagu soo joojiyo ayay tageysaa”
Mar la weydiiyay in aanay sahlaneyn in Xildhibaanada xil ka qaadaan Madaxweynaha, horayna aanay u dhicin, ayuu tusaale u soo qaatay khilaafkii Baarlamaankii KMG iyo Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf in aakhirkii uu fududeeyay, tanaasulna sameeyay markii dantiisa shaqsiga ka hormariyay danta guud, isla markaana uu istaqaalad soo gudbiyay haatana ay taas la mid ah ka rajeynayaan Madaxweynaha.
“Saasaa rajeyneynaa sida quruxda badan, waa sida mas’uuliyada ku jirto u maleyn maayo 200 xildhibaano iyo dheeraad inay tanaasul ka sameyn doonaan fikir ay aad u aaminsan yihiin, hadii tanaasulka dhacayo waxay noqoneysaa in Madaxweynaha oo shaqsi ah,inuu tanaasul sameeyo waxaa fiican inta uu xisaabtamo wadankana uu daruuftiisa fiiriyo oo uu tanaasul sameeyo”ayuu yiri Xildhibaan Goodax.
Mar uu ka hadlayay go’aankii Baarlamaanka uu gaaray ayuu ku tilmaamay inuu la mid ahaa hadaladii Madaxweynaha horay u dhihi jiray marka Ra’iisul Wasaarayaal mooshin laga geeyo in Baarlamaanka gudihiisa lagu xaliyo, oo aan meel kale la isla aadin sida uu yiri.
“Hadaa fiirisid go’aanka Guddoonka ka soo baxay waa warkii Madaxweynaha uu mar walbo dhihi jiray marka Ra’iisul Wasaarayaasha la eryayo, isla go’aankaas ayuu guddoonka qaatay, sida aan aqriska ka fahmay oo ahaa wadan madax banaan baa nahay hey’ado dastuuri baa noo dhisan arrimaheena anaga la macaamili karno, xalal baa horay u gaarnay, waayo arag baa nahay, hadana arrinteena anaga ha la isu keena dhaafo, baarlamaankeena ayaa xalinaya madaxweynaha ayaa dhihi jiray, hadana Guddoonka waxaa moodaa inay intaas yiraahdeen,”ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre.
Xiisada ku saabsan mooshinka laga geeyay Madaxweynaha ayaa ah mid cirka isku sii shareereysa, iyadoo wali aan arrintan la isla go’aamin meesha ugu dambeysa ee la geynayo, maadaama qodobada lagu soo eedeeyay Madaxweynaha ay tahay mid Maxkamad dastuuri ah go’aan ka gaari karto, iyadoo aanay dalka ka jirin xilligan Maxkamad dastuuri ah.

Friday, July 3, 2015

Wax qabadka Somtej

Somtej waa company qabta howlo badan oo ay  ka mitahay :
1- software development
2- smart ID card designing and printing
3- Certificate printing...